UJEEDDADA

Ujeeddada ECHO ayaa ah in ay ka faa’iidaysato cilaaqaadka hay’adaha kale si ay ugu fidiso macluumaadka aan laga maarmi karin ee caafimaadka, xaladaha deg-degga iyo hawlaha madaniga ah si wax loogu qabto is-dhexgalka dadka markasta uu isbeddel ka jiro kuwa kala duwana ay guul ka gaaraan jaalliyadaheenna.

ARAGTIDA

Dadka oo idili waxa la siinayaa caafimaad tayo leh iyo macluumaad nafta badbaadinaya! 

TAARIIQDA

2004

Haydaha caafiimaadka iyo ammaanka ee degaanka iyo gobolka ayaa abuuray ECHO Minnesota si mashruuc iskaashi ee loogu talagalay in uu xaliyo baahida sii kordhaysa ee macluumaadka caafimaadka, ammanka iyo xaaladaha deg-degga ee jaalliyadaha sii kordhaya ee ku nool Minnesota ee aan af-ingiriis macna leh ku hadlin .

Tobaneeyo hoggamiyaasha laba luqa yaqaanka ah ayaa noqday kooxda ugu horraysay ee ECHO ee jaaliyadda metela, kuwaasoo macluumaad muhiiima gaarsinaya degganayaasha Afrikaanka, Laatiinka iyo kuwa Asiyada Koofurta Bari.

ECHO waxa ay siidaysay ECHO TV (Telefishinka ECHO) kaaso iskaashi uu ka kala dhaxeeyo St. Paul Neighbohood Network – SPNN (Xariirka Xaafadaha St. Paul- SPNN) iyo Twin Cities Public Television – tpt (Telefishinka Twin Cities – tpt) oo noqonaysa kan kaliya wadanka ugu horreya ee si gaara lagu soo bandhigayo barnaamijyada caafimaadka, ammaanka, hawlaha bulshada iyo u tabaabushada arimaha deg-degga ah ee lagu siidanayo luqado kala duwan.

2005

ECHO Web (Internetka ECHO) waxay bilowday maktabadda internetka ee luqadaha kala duwan, ilaha warbaahinta dala duwan ee lagu soo qaadayo macluumaadka mowduucyo kor u dhaafaya 70 ee ku saabsan caafimaadka, ammaanka iyo u tabaabushada arrimaha deg-degga ah.

2006

ECHO Phone (Telefoonka ECHO) ayaa la aasaasay ayadoo taageero laga haysto hayadaha ECHO kala shaqeeya caafimaadka deegaanka iyo kuwa ammaanka oo nodqay gobolkan kii u korreeyay ee bixiya, khadka telefoon bilaasha oo ay ku duubantahay macluumaad leh tusmooyin luqado kala duwan ee caafiimaadka iyo ammaanka ee xilliyeed.

2007

ECHO ayaa lagu sheegay in ay leedahay dhaqamada ugu wanaagsan maqaalka wargayska qarameed ee Health Affairs (Arrimaha Caafimaadka) iyo ku aqoonsadeen dhaqamada yididdiilada wanaagsan Drexel University (Jaamacadda Drexel) iyo University of Minnesota Center for Infectious Disease Reaseach and Policy - CIDRAP (Jaamcadda Minneosta Xarunta Sahminta iyo Siyadda Cudurka Caabuqa - CIDRAP), xoojinaysa sumcaddeenna fiican ee aan caalamka ku hoggaaminayno xiriirinta luqadaha kala duwan ee caafimaadka iyo ammaanka dhaqamada kala duwan.

2008

ECHO waxa ay sii ballaarisay qaabka ay ku howlgasho, dadka kala duwan u magacawday guddigeeda fulinta iyo ayadoo noqotay (501(c)3 samafal.

Ayadoo laga jawaabayo codsi kaga yimid madaxda jaaliyadaha iyo dhaqamada jaalliyadaha ee sii badanaya, ECHO waxa ay ku kordhisay barnaamijka hawlaha bulshada si la qabsashada loogu fududeeyo nolosha Maraykanka cusub ee reer Minnesota.

ECHO waxa ay deeq uga timid samfallada waaweyn oo ay ka mid tahay Otto-Bremer in ay maalgalisay horumarinta Qorshaheeda Istratejiyada ee saddexda sano, taaso bilow u noqonaya koritaanka mustaqbalka.

ECHO waxa la siiyay deeq qarameed oo ay siisay Samafalka Robert Wood Johnson oo lagu hormarinayo iskaashiyada, indhoindheynta qaybaha barnamijyaynta cusub iyo horumarinta nidaamyo cusub si loo gaaro dhaqamada xambaarsan macluumaad la xariira caafimaadka iyo ammaanka.

ECHO TV (Telefishinka ECHO) ayaa bilaabay in gobolka oo idil laga daawado.

2009

ECHO waxa ay daabacday Emergency Operations Plan (Mashruuca Fulinta Deg-degga), ee lagu rasmiyaynayo nidaamyada lagu hirgalinayo iyo lagu asteeynayo qaabka adeegyada ka jawaabidda arrimaha deg-degga ee mustaqbalka.

Clay County Public Health (Caafimaadka Guude ee Degmada Clay) waxa ay hirgaylisay ECHO si ay ku bixiso ilaha ammaanka ee luqadaha kala duwan kaddib markii u dhacay Red River Flood (Fatahaadda Red River) – iyo ECHO oo kaashanaysa Waaxda Caafimaadka Minnesota si ilaha hargabka H1N1 lagu daabaco 12 luqadood.

Boqashooyinka ECHO WEB (Internetka ECHO) waxa ay kor u kaceen 200% tan iyo 2008.

Ayadoo la kordhiyay iskaashiga lala yeeshay raadiyaasha jaalliyadda, raadiyaha ECHO waxa uu siidaayay macluumaad muuhiima ee H1N1 ee ku wajahan 12 luqadood ee jaalliyadaha kala duwan ee gobolka wada dega.