Macluumaadka Deg-degga ee loogu talagalay Xubanaha Jaalliyadda

Haddii la galo xaalad deg-degga, ECHO waxa ay la shaqaynaysaa saraakiisha hawlaha guud si lagu siiyo adiga iyo reerkaaga macluumaad aad ku heshaan caafimaad iyo ammaan. Macluumaadka waxaa lagu helaya luqado kala duwan.

Haddii la galo xaalad halis u ah caafimaadka ama ammaanka guud:

Wac ECHO Phone (Telefoonka ECHO): 1-888-883-8831 (telefoonka bilaasha ee Minnesota gudaheeda). ECHO Phone (Telefoonka ECHO) waxa uu kuu sheegaya xaladda jirta. Waxaa kale oo uu kuu sheegayaa sida aad ammaan ku ahaanaysid iyo halka laga helayo macluumaad dheeraada. ECHO Phone (Telefoonka ECHO) waxa uu siidaynayaa macluumaadka u dambeeyay haddii loogu baahdo. Hubso in aad had iyo jeer dib u soo wacdid.

Iska Diiwaangali ECHO Web (Internetka ECHO): Boggeena ayaa lagu soo qoraya macluumaadkii u dambeeyay ee xaaladda. Waxaa kale ee aan ku daraynaa ilo dheeraada. ECHO Web (Internetka ECHO) aya wixii u dambeeyay lagu soo qoraya sida ay xaaladdu isu baddalayso. Hubso in aad had jeer dib u eegto.

Idaacadda Guud ee Raadiayaha kala Soco: Shirkadaha ECHO Maluumaadka la Wadaagto waxa ka mida isteeshinnada radiyaha guud ee degaanna Minnesota. Ayaga macluumaadka degdegga ku siidaynaya luqado kala duwan. Shido raadiyaha isteeshinka deegaanka si aad ku hesho macluumaadkii u dambeeyay iyo kuwo dheeraada.

Watch ECHO TV (Ka daawo Telefshinka ECHO): Twin Cities Public Television (Twin Cities Telefishinka Guud) iyo isteeshinka guud ee kaybalka laga daaawado. Inta lagu jiro xaalad degdeg ah ee gobolka oo dhan, macluumaadka luqado kala duwan ayaa TVga laga daawanayaa si adiga iyo reerkaaga aad ku ogaataan waxa la rabo in sameeyo si aad caafimaad iyo amaan u qabtaan.

Dhegayso tusmooyinka ay siidayanyaan saraakiisha caafimaadka iyo ammaanka guud – oo loo sameeyay in ay ku caawiyaan.