Daryeel bixintu dadka waayeelka ahi-Waxay ka midtahay Dhaqankeena

Marka qof uu caawinayo qof kale-haday tahay waalid waayeel ah, qof deriska ah oo naafo ah-waxa loogu yeedhaa “Care Givers, ama Daryeel bixiyayaal”. Daryeel bixiye waxa uu ahaan karaa, qof adeega usoo sameeya qofkaa caawinada ubaahan todobaadkii mar, ilaa iyo qof todobada maal mood saacadkasta, u shaqeeya oo daryeela qofkaasi.

Daryeel siinta dadka aynu jecelnahay waa dareen aad iyo aad u fiican. Laakiin wakhtigan casriga ah ee mashquulka badan, daryeel bixintu waxay qof keliya ku noqon kartaa hawl aad iyo aad u badan. Hadii aad tahay qof wax ka caawiya qof daryeel u baahan oo ka mid ah qoyskaaga, asxaab taada ama deriskaaga, Waxad tahay daryeel bixiye! Raadso caawimada, aqoonta iyo taageerada aad u baahantahay si aad u ahaato qof maskax ahaan iyo jidh ahaanba caafimaad qaba. 

Macluumaad dheeraad ah ka baro daryeelka hospice oo ah barnaamij ay isku soo dubarideen ECHO iyo TPT.  

Keywords: 
aging, caregiver, elders, caregiving, caring for others