Fahanka tayada Neecawda Iyo Caafimaadkaaga

Aduunkeenan casriga ah waxa ka buuxa waxyaabo badan oo nolosha inoo fududeeya. Nasiib daro’se, badankoodu waxay ku sheqeeyaan gubida gaasta, waxayna hawada kusii daayaan kiimikooyin khatar ah oo wasakheeya. Hawadaasi wasakhaysanina waxay saamayn caafimaad ku yeelataa dadka oo dhan  blasé waxa khatar ugu sii sugan, dadka bukaanka ah. 

Tayada hawadu mar walba way isbedeshaa oo way kala duwanaan kartaa gobolka dhexdiisa. Hase yeeshee, hayada gobolka Minnesota u qaabilsan ilaalinta tayada hawada ayaa wada cabirta tayada hawada ee gobolka oo dhan. Kadibna la wadaagta dadwaynaha iyaka oo isticimaala hab loo yaqaan Air Quility Index. 

Baro sida loo isticimaalo habka Air Quality Index ama ilaalinta tayada Hawada oo aad amaan u ahaato adiga oo daawanaya barnaamijkan Af-Soomaaliga ah ee ay isku dubarideen ECHO Minnesota iyo TPT.  

Keywords: