OUTREACH

ECHO wax qabadkeedu waa in ay si toos ah ugu xidho jaaliyadaha soo galowga iyo qaxoontiga ah meelaha ay ka helikaraan macluumaadka iyo gar gaarka muhiimka ah ee ay u baahanyihiin. Waxakale oo ECHO ulajeedadeedu tahay sidii ay usii faafin lahayd ula jeedadeeda ah in ay si fudud ugu gudbiso xubnaha jaaliyadaha cusub marka ay jiraan xaalado deg deg ah, caafimaadka iyo bad baadada. 

ECHO waxay xidhiidh wada shaqaymeed oo muhiim ah la leedahay hayado iyo shirkado kala duwan oo isugu jira kuwa samafalka iyo kuwo ganacsi si ay usii balaadhiso wax qaabadka wada shaqayneed ee kumuunitigeena muhiimka u ah si ay noqoto mid fiican.

2013 Hennepin County Human Services, Public Health, iyo MN Medical Reserve Corps ayaa iyakuna la shuraakoobey ECHO si ay u unugto  waax barnaamijyo dhaqameed ah (CSU) oo qaabilsan kobcinta hawlgalka ku saabsan gar gaarka iyo xaaladaha deg dega ah ee lasoo gudboonaada kumuunitiga oo dhan.

Xubnaha CSU waa dad u tababaran dhaqanka kumuuniyada kala duwan si ay isugu xidhaan shacabka soo galowga ah ee weli la qabsanaya dalkooda cusub iyo shaqaalaha amaanka dadwaynaha iyaka oo isticimaalaya warbixin toos ah oo lala tiigsanayo kumuunitiyada kala duwan ee  Brooklyn Center iyo kuwa reer Minneapolis.

ECHO waxakale oo ay ka qayb gashaa xaflado iyo carwooyin kala duwan oo soo jiita dadwayne badan oo ay qabtaan xubnaha kala duwan ee kumuunitiyadu.

Xafladahan iyo carwooyinkan, ECHO waxay qaybisaa Viidiyoowyo loogu talagalay dadka luuqada Ingriisidu ku yartahay iyo kuwa aan ku weli hadlin iyo weliba hayadaha kale ee iyakuna la shaqeeya xubnahaasi kala duwan ee kumuunitiyadeena.